Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 30 2008
Muqtaar Rooboow oo ugu Baaqay Ciidamada Dowladda in Aysan wax Yeelayn Shacabkooda
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 30 July 2008

Muqtaar RoobowMoqdisho,(insidesomalia.org)- Afhayeenka xoogaga ururka Al Shabaab oo ka mid ah dhinacyada hubaysan ee la dagaalama Ciidamada Itoobiya iyo Dowlada KMG ah ee  Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ciidamada dhawaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya in aysan wax yeelayn shacabkooda, islamarkaana aysan fulin awaamiirta lasoo tababaray oo sida uu sheegay ah in ay bililiqaystaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Sheekh Muqtaar Roobow (Abu Mansuur) ayaa mar uu ka hadlayay tayada ciidamada ay saraakiisha Dowladda ay sheegeen in wax badan ay kaga duwanyihiin Ciidamadii hore ayuu ku tilmaamay in ay ka liitaan hub ahaan iyo tayo ahaan Ciidamadadii hore ee lagu soo tababaray dalka Itoobiya waxaana uu ugu baaqay Ciidamada dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya in ay iska kala tagaan islamarkaana ay kala aadaan deegaanadooda oo ay ka cararaan Mujaahidiinta hadii kale ay qudha ka jarayaan sida uu hadalka u dhigay.

 

"Waxaa la dhihi karaa dhab ahaan kuwii hore ayaa ka roonaa hub ahaan iyo tayo ahaan waxaana ugu baaqayaa in ay ka cararaan mujaahidiinta hadii ay isku dayaan in ay istaagaan qudha ayay ka jarayaan"ayuu yiri Sheekh Muqtaar Roobow.

 

Hadalka Afhayeenka ururka Al Shabaab Shekkh Muqtaar Roobow(Abu Mansuur) ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan saraakiisha ciidanka Dowladda Soomaaliya ee lagu soo tababary dalka Itoobiya ay sheegeen in Ciidamadoodu ay la imaan doonaan dhaqamo wanaagsan oo lagu bad baadinayo bulshada madaama inta badan dadka ku nool Gobolka Banaadir ay cabsi fara badan ka qaadeen dhaqmo aan wanagsaneen oo ay horay ugala dhaqaaqen Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya waxaa ay sidii kale ku soo aadaysaa xili ay Ciidamada Dowladda ku suganyihiin Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay saraakisha dowlada sheegayaan in ay howlgalo balaaran ay fulin doonaan marka laga reebo suuqa wayn ee Barakaaraha walow howlahaas aan wali si rasmi ah loo bilaabin.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >